4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Dowladda Maraykanka oo sheegtay in Soomaaliya ay hayso dariiqii looga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka

Khamiis, Maarso, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku ammaantay inuu qaadayo tillaabooyin muhiim ah si uu u daboolo halbeegyada cunaqabateynta.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry André ayaa sheegay maaraynta hubka in ay Soomaaliya ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee qaadista nidaamka cunaqabataynta dalka saran.

“Waxaan soo dhoweyneynaa horumarka la mahadiyo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydka. Waxka bedelka lagu sameeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya horumarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Soomaaliya sii waddo,”ayuu yiri safiirka Maraykanka.

Safiirku wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay weli ka go’an in ay sii wado taageerada Soomaaliya iyo in la xaqiijiyo in ciidamada Soomaaliya ay helaan hubka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan al-Shabaab iyadoo la yareynayo khatarta ah in hubku uu galo gacmo qaldan.

“Tusaale ahaan, shantii sano ee la soo dhaafay, annaga oo kaashanayna iskaashiga weyn ee aan la leenahay HALO Trust iyo ciidamada Amniga Soomaaliyeed, waxaan meesha ka saarnay 15 tan oo rasaas duugowday, aan la isticmaali karin, iyo kuwa xasiloon. Iskaashigayadu waxa uu tababaray in ka badan 225 shaqaale ah, iyo maareynta kaydka si loo hubiyo in tas-hiilaadka looga faa'iidaysto si badbaado leh oo wax ku ool ah, marka loo eego hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah,” ayuu hadalkii ku daray safiir Larry André.

Safiirka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegay Shirka ku saabsanaa maaraynta hubka, kaasoo lagu qabtay  Muqdisho.