9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaalya Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis la xariira tayaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid lagu xoojinaayo tababarada iyo qalabeynta ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay uga hortagaan qataraha ka imaanaya kooxda Al-shabaab.

Munaasabada ay heshiiskaan ku kala saxiixdeen Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Cabaas Amiin.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab, isagoo xusay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhismaha iyo tayaynta awooda ciidamada xoogga dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

Bishii Janaayo ee sanadkaan 2023 ayay aheyd markii Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya uu ku wareejiyay wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya hub, agab ciidan iyo gaadiid dagaal, taasoo uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga in dowladda Mareykanka ay ugu talagashay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.













Click here
3/16/2023 10:38 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka daahfuray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 7:33 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

3/16/2023 4:57 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Buuraleyda fogfog ee Puntland, waxaa todobaadkan ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Daacish, dagaaladii ugu dambeeyay ayaa u dhaxeeyay dhinacyada isku haya gacan ku heynta iyo saameynta buuraleyda Cal-Miskaad tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

3/16/2023 4:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.

3/16/2023 1:46 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay inuu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 1:22 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Soomaaliya.