12/6/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmaya magaalada Baydhabo iyo Puntland oo aan ka qeybgaleyn

Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay inuu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Baydhabo waxaa haatan ku sugan oo Shalay wada gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal wasare Xamse Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo saacadaha soo socda ee Maanta lagu wado in madaxweynaha Jubbaland uu tagi doono Baydhabo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inuusan ka qeybgaleyn Shirkaan Maanta golaha wadatashiga qaran uga furmaya Baydhabo, kaasoo horay u shaaciyay in maamulkiisa uu u dhaqmayo sidii dowlad madax banaan oo kale, wuxuuna haatan ku sugan yahay madaxweyne Deni dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa madaxda wadatashiga qaran waxay kaga hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, la dagaalanka Al-shabaab, amaanka dalka, Siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys.

Kulankaan golaha wadatashiga qaran ayaa noqonaya kii 5-aad ee dhexmara tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud 15-bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022, waxaana gabagabada shirka madaxdu soo saari doonaan War murtiyeed la xariira waxyaabaha looga hadlay shirka wadatashiga Qaran.












Click here
3/16/2023 10:38 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka daahfuray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 10:16 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaalya Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis la xariira tayaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab.

3/16/2023 7:33 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

3/16/2023 4:57 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Buuraleyda fogfog ee Puntland, waxaa todobaadkan ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Daacish, dagaaladii ugu dambeeyay ayaa u dhaxeeyay dhinacyada isku haya gacan ku heynta iyo saameynta buuraleyda Cal-Miskaad tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

3/16/2023 4:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.

3/16/2023 1:22 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Soomaaliya.