4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2023
Wasiir Alcadaala "Dowladda waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah"
 

Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa markale shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo iney ka mid tahay kooxda Al-shabaab ama garab u noqota.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka ay ka go'an tahay la dagaalanka Ururuka Al-shabaab iyo cid walba oo la shaqeysa.

"Dowladda, waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano Dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mahadsan" ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saakay dil toogasho ah lagu fuliyay sadax nin oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab oo uu ku jiray sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.