3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Xukun ku riday Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Sarkaal ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo loo heysto dilka maxbuus ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Maanta Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cosoble ku riday xukun Diya adag oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwa iyo shan sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute.

Marxuum Aadan Garaac Habarwaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday biyo hafin bishii lasoo dhaafay 23-keedii, kaasoo u xirnaa kiis la xariiray maleegista qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28-ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

27-kii bishii Febraayo ayay aheyd markii kiiska Sarkaalkaan Maanta la xukumay loosoo wareejiyay magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xiligaas uu garoonka degmada Dooloow ka dhacay weerar ay soo qaadeen Maleeshiyaad ku heyb ahaa Sarkaalkaan oo diidana in loo soo qaado Muqdisho.

Weerarkaasna waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa Taliyahii amniga garoonka diyaaradaha degmada Dooloow Maxamed Xuseen Cabduulaahi Ganeey, waxaana xiliga weerarkaasi uu dhacaayay garoonka ku sugnaa guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute.












Click here
3/14/2023 9:41 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo bahanyahay in wakhti xaadirkan lasoo doorto madaxweyne, iyo xisbiyo cusub.

3/14/2023 9:18 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in colaada Laascaanood ay tahay shacab reer Somaliland ah oo xukuumadoodii wax ka tabanaya, isla markaana cidii gacan ka gaysanaysa nabadaynteeda laga rabo in ay sida ku shaqeeyso.

3/14/2023 8:35 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Hooyo iyo labadeeda carruur iyo qof kaloo marti u ahaa, ayaa ku geeriyooday Hoobiye kusoo dhacay hoygooda oo kuyaalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/14/2023 6:55 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - kulan dhexmaray wafti ka socda Wasaarada Dhaqaalaha ee Taiwan, iyo madaxda Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa lagaga wadahadlay iskaashi ganacsi iyo dhaqaale oo ay labada dhinac yeelanayaan.

3/14/2023 6:17 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 5 askari iyo afar qof oo ra'yid ah ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo saakay arroortii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka.

3/14/2023 6:08 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xuduudii Ingiriiska ee Somaliland oo ay Somaliland ku doodo in ay tahay xuduud sharci ah Afrika ku dhisantahay.

3/14/2023 2:17 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay guriga Martida degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay daganayeen masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Saraakiil ciidan.

3/14/2023 2:09 AM EST
Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho xalay ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.