4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Wafti ka socda Taiwan oo kulan la qaatay xukuumada Somaliland
 

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - kulan dhexmaray wafti ka socda Wasaarada Dhaqaalaha ee Taiwan, iyo madaxda Wasaarada Ganacsiga Somaliland, ayaa lagaga wadahadlay iskaashi ganacsi iyo dhaqaale oo ay labada dhinac yeelanayaan.

Madaxda wasaarada ganacsiga ayaa ugu horayn soo dhaweeyey waftiga oo uu hogaaminayo Eugene Y.J. Chen oo ah Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Dhaqaalaha ee Taiwan, waxayna ka wada hadleen sidii xidhiidh ganacsi dhinacyadu u yeelan lahaayeen.

"Waxa lagaga wada hadlay iskaashiga labada wadan ee dhinaca ganacsiga & dhaqaalaha. Waxa siddoo kale labada dal dhawaan ay yeelan doonnaan heshiis rasmi ah o dhinaca gacansiga iyo dhaqaalaha ah," ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday kulanka.

Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland ayaa soo bilowday sannadkii 2020, markaasi oo labadan xukuumadood ee aan aqoonsiga haysanin ka xanaajiyeen dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, oo Somaliland iyo Taiwan u arka in ay ka tirsanyihiin dhulkooda.

Taiwan oo xafiis dibulumaasiyadeed ku leh Hargaysa, ayaa sannadihii lasoo dhaafay xukuumada Somaliland gacan kasiisay in ay la tacaasho masiibooyin dhowra oo uu kamid ahaa xanuunkii adduunka aafeeyay ee COVID-19.

Hadaba, Taiwan ayaa sida ay hore u sheegtay xiisaynaysa in ay xidhiidh ganacsi la yeelato Somaliland, iyada oo soo hadal qaaday khayraadka macdanta iyo shidaalka, oo ay rabto in ay Somaliland kala shaqayso soo saaristooda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]