4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2023
Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay askar katirsanaa ciidanka Booliiska
 

Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya, ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda.

Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabsullaahi oo kawada tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu fuliyay xukun qisaas ah sida ay maxkamaddu sheegtay.

Cabdishakuur ayaa horey u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen. Halka
Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle uu isna dilay Cabdixakiin Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.

Hay'adaha garsoorka dalka ayaa muddoyinkii ugu dambeeyay dadajinayay caddaaladda ku fulinta dadka ku xukuman xukunada dilka ah.

Saddex bilood ee ugu dambeeyay waxay dowladdu xukun qisaas ah ku fulisay tobaneeyo katirsan askarta dowladda iyo dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab, oo dil ku xukumnaa.