10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Faysal Cali Waraabe: Wax laga xishoodo weeyi in la yidhaa ciidamo dhulkoodi jooga naga saara
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in urur ay ku midoobeen dad hore madax Soomaaliya uga soo noqday, ay wadaan qorshe Somaliland lagu burburinayo, oo ay ka danbeeyaan kacdoonka Laascaanood.

"Waxa cad in qorshihii la doonayay in Somaliland lagu baabiiyo ee kooxda G21 ay waday in uu wali sidiisii u socdo, waxa jirta in adduunkii laga raariday barobagaandho ciida ka badan, oo wax beeniyana la waayay, madaama oo dowlada Muuse Biixi ay hada iska saqiirtayba" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in kooxda uu G21 ku sheegay ay sidookale qorshaynayaan in ay kiciyaan dadka reer Awdal, lakiinse ay dadka reer Awdal diideen, oo ay u sheegeen in ay xoryihiin, sida uu hadalka u dhigay Faysal.

Waxa uu sheegay in Somaliland loo adeegsaday quwado shisheeyee si loola dagaalamo, lakiin ay Somaliland xataa jaarkeedee iska eriday, isaga oo cambaareeyay eedayntii ay Somaliland u jeedisay Dowlada Deegaanka Soomaalida.

Waxa uu ku baaqay in qorshe cad laga yeesho xaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka deegaanka Laascaanood iyo Somaliland anay dagaalamayn, ee xoogag kale kusoo duuleen gobolka Sool.

Faysal ugu danbayn, wuxuu hambalyeeyay millateriga Somaliland, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dadka leh ciidanka Somaliland hala saaro "Wax laga xishoodo weeyi in la yidhaa ciidamo dhulkoodi jooga naga saara".



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/12/2023 9:59 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo tirsigiisu yahay HOP 176 oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

3/12/2023 9:03 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa uga digtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka in ay ka gudbaan meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

3/12/2023 7:47 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje), ayaa sheegay in hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi waydo wakhtiga koomiishanku iclaamiyay ay Somaliland burburi doonto.

3/12/2023 4:27 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray maalinta ay dhacayaan doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland.

3/12/2023 1:48 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil Xalay magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo ka mid ahaa nabadooda caanka ka ah gobolka Mudug.

3/12/2023 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay diiwaan galin doorasho ka sameynayso deegaano katiran kuwa Galmudug.