4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Xisbiga Waddani oo sheegay in Somaliland burburi doonto hadii doorashadu qabsoomi waydo
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje), ayaa sheegay in hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi waydo wakhtiga koomiishanku iclaamiyay ay Somaliland burburi doonto.

Xamarje oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha MMTV, ayaa sheegay in dhibaatada Laascaanood oo kale Somaliland oo dhan wada gaadhi doonto, hadii aaan doorashada la qaban.

"Waxan sugayaa 9 kaa billood ee koomiishanku qabteen, wixii intaa ka danbeeyana sida Laascaanood ayay u kala qixi tana, hadii lagu daro maalin sida Laascaanood tahay uun bay gobolada kalena noqon" ayuu yidhi Xamarje.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayuu ku eedeeyay in ay dagaalka Laascaanood abuureen si doorashadu dib ugu dhacdo, isaga oo sheegay in xabad mooye anay aqoon si kale oo wax loo xaliyo.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada labadaba, lakiin aanu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu u muuqan in uu doorasho diyaar u yahay.

Xamarje ayaa sannadkii hore arrimo siyaasadeed darteed xabsiga loogu taxaabay isaga oo kamid ahaa siyaasiyiin 10 ka badan oo xabsiga la dhigay intii uu socday mudaharaadkii xisbiyada mucaaradku.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]