4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland oo faah faahiyay dacwada lagu soo oogay guddoomiyaha golaha wakiilada
 

Jimce, Juun 9, 2023 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland  Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa sheegay in dacwada uu kusoo oogay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ay tahay mid dastuuri ah.

Hayaan waxa uu sheegay in dacwadani tahay mid dastuuri ah, dacwada dastuuriguna ay yihiin dacwadaha ugu sareeya ee maxkamad laga furo, oo ay ka dhalan karto marka danbe ciqaabi, lakiin anay hada ahayn dacwad ciqaabeen ayna ku sal leedahay qodobka 79 ee dastuurka Somaliland.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu faah faahiyay dacwadan oo is maan dhaaf ka dhex abuurtay qaar kamid ah sharciyaqaanada iyo siyaasiyiinta kala xisbiyada ah, isaga oo taxay dodobo dastuurka ku jira oo uu sheegay in Khaliif uu jabiyay.

"Xeer ilaaliyaha guud waxa uu isticmaalay qodobo dastuur oo la jabiyay oo uu jabiyay guddoomiyaha golaha wakiiladu, waxa kamid ah qodobka 129, 123 iyo qodobka 1aad iyo 2aad ee dastuurka, qodobka 1aad waa qaranimada iyo madaxbannaanida jamhuuriyada, iyo qodobka 2aad oo ah dhul, hawo iyo badba xuduudaha Somaliland in ay ka gaar yihiin Soomaaliya" ayuu yidhi Hayaan.

Waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif sidookale jabiyay dhaartii uu ku balanqaaday in uu si siman ugu shaqayn doono shacabka Somaliland oo dhan, islamarkaana uu sheegtay deegaan gaar ah, calanka Soomaaliyana uu qaatay.

Waxa uu sheegay in Khaliif uu jabiyay qodobka 50aad oo sheegaya sida mudanuhu uu u waayi karo xubinimada golaha wakiilda, kaasi oo xusaya in mudanuhu uu waayi karo xubinimadiisa hadii uu golaha ka maqnaado 20 fadhi.

Waxa uu sheegay in qodobka 49aad, faqradiisa 7aad ay sheegayso in xildhibaanada baarlamaanka hadii lagu oogayo dacwad aan ciqaab ahayn aan golayaasha looga baahnayn wax ogolaanso ah.