5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 10, 2023
Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay wax lug ah ku lahayn colaada Laascaanood

Isniin, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu masuul ka yahay colaada Laascaanood, lakiin aanay dowlada Soomaaliya wax lug ah ku lahayn.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ciidamo soo dhoobay deegaanka Tukaraq isla markaan uu hagayo dagaalka "Xalay ayay soo dageenka Tukaraq, dagaalkaas isaga ayaa hagaaya" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in Somaliland, shacabka Laascaanood iyo dowlada Soomaaliya midkoodna aanu masuul ka ahayn colaada, lakiin uu maamulka Puntland hurinayo.

"Inaga iyo shacabka reer Laascaanood-ba arrintaa beri ayaynu ka nahay, cida arrinta wadaana waa maamulka Puntland, maaha maamulka Xamar, maaha maamulka Soomaaliya, waa maamulka uu Dani madaxda ka yahay ee Puntland" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxo argagixiso ahi ay colaada gacan wayn ka gaysanayaan, isaga oo sheegay in qaar kood lasoo qabtay, garaadada iyo siyaasiyiinta deegaanka Laascaanood, ayaa marar  dhowra beeniyay sheegashada Somaliland ee argagixisada.