9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Masuul Soomaali ah oo loo magacaabay mid kamid ah xilalka u sarreeya ee dowladda Itoobiya
 

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Iid Daahir ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadda degaanka Soomaalida, isagoo markii u dambeeyay ku xigeen ka ahaa Xafiiska maanta looga dhigay Madaxa, horey waxaa Xafiiskan Masuul ka ahaa Maamo Hibrat oo dhawaan Abiyi Axmed u magacaabay Madaxa Bangiga Qaranka ee Itoobiya.

Magacaabistan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed uu horey u sheegay inuu isbaddal ku samayn doono qaar kamid ah hoggaaminta xukuumaddiisa.

Masuulkan maanta xilka loo magacaabay ee Cabdiraxmaan Iid Daahir ayaa kamid noqonaya dhowr masuul oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida kuwaas oo haya qaar kamid ah xilalka u sarreeya ee dowladda Itoobiya.

Cabdiraxmaan Ciid Daahir ayaa ah wiil uu dhalay Ciid Daahir oo kamid ahaa Madaxweynayaashii horey u soo maray xilka Madaxweynimo ee dowlad degaanka Soomaalida.












Click here
1/25/2023 3:49 PM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/25/2023 10:24 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

1/25/2023 10:03 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalinimadii shalay lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer ay abaarta halkaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceelkarri.

1/25/2023 9:35 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/25/2023 8:08 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee Galmudug in la geeyo Qaad/Jaad.

1/25/2023 4:16 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

1/25/2023 3:34 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.

1/25/2023 2:12 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.

1/25/2023 12:45 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.