9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Dowlad degaanka Soomaalida oo beenisay inay jiraan dad gaajo iyo haraad ugu dhintey tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer
 

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalinimadii shalay lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer ay abaarta halkaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceelkarri.

Haddaba Guddoomiyaha degmada Ceelkarri Axmed deeq Gaabow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin dhimashada la leeyahay dad ayaa gaajo darteed ugu geeriyoodeen tuulooyin hoostaga degmada Ceelkari, guddoomiyuhu wuxuu qiray inay jirto Abaar daran balse waxa uu beeniyay in Abaarta jirta iyo gaajo darteed ay dad ugu dhinteen tuulooyinka hoos yimaadda degmada Ceelkarri.

Dhinaca kale guddoomiyuhu waxa uu xusay inay degmada Ceelkarri iyo tuulooyin hoos yimaadda ay wakhti xaadirkan ka jirto Abaar daran oo isku badashay macaluul, isla markaana waxyeelaysay dad iyo duunyaba, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay inay xaaladaha ay keenayso Abaarta ka jirta aagaas ay yihiin kuwo ay Xukuumadda degaanka Soomaalidu la socoto, oo hadba waxay dadkaasi u baahan yihiin oo gargaar iyo gurmad kaleba la gaarsiiyo, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha degmada Ceelkarri Axmed deeq Gaabow.

Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa xusay in xaaladda Abaareed ee ka jirta degmada Ceelkarri ay siyaasadaynayaan dad uu ku sheegay inay la shaqeeyaan cadow shisheeye, waa siduu hadalka u dhigay Axmed deeq Gaabow Guddoomiyaha degmada Ceelkarri.

Meelo kale duwan oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirta Abaar si xooggan u saameysay dad iyo duunyaba.












Click here
1/25/2023 3:49 PM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/25/2023 10:28 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Iid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

1/25/2023 10:24 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

1/25/2023 9:35 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/25/2023 8:08 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee Galmudug in la geeyo Qaad/Jaad.

1/25/2023 4:16 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

1/25/2023 3:34 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.

1/25/2023 2:12 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.

1/25/2023 12:45 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.