12/6/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 73 ka mid ah Al-shabaab Maanta lagu dilay deegaanka Miiroon

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliya ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Miiroon, islamarkaana jab weyn ay gaarsiyay kooxda Shabaab.

"Dagaal sadaxdii subaxnimo bilawday oo ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo ay ka qeyb qadanayeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 73 ka mid ah Shabaab deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaayana ciidanka ayaa la wareegay walina baacsi ayaa lagu sii haya kooxdii ku sugneyd deegaanadaas" ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Degmada Xarardheere oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen ayaa aheyd Saldhigii ugu weyna kooxda Shabaab ee deegaanada gobolka Mudug, waxaana ciidamada dowladda ay wali howlgalo lagu sii baacsanaayo Al-shabaab ay ka wadaan deegaanada hoostaga degmadaasi.

Barqanimadii Maanta ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in Al-shabaab mudo todobaad gudahood ah howlgalo ka dhacay deegaanada maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland in looga dilay dagalamayaal gaaraya 323, hayeeshee majirto war kasoo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Soomaaliya.












Click here
1/25/2023 3:49 PM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/25/2023 10:28 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Iid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

1/25/2023 10:24 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

1/25/2023 10:03 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalinimadii shalay lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer ay abaarta halkaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceelkarri.

1/25/2023 8:08 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee Galmudug in la geeyo Qaad/Jaad.

1/25/2023 4:16 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

1/25/2023 3:34 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.

1/25/2023 2:12 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.

1/25/2023 12:45 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.