9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Galmudug oo deegaannada howlgallada xorayntu ka socdaan ka mamnuucday Qaadka
 

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee Galmudug in la geeyo Qaad/Jaad.

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda Amniga gudaha Galmudug, ayaa lagu sheegay, Qaadku inuu caqabad weyn ku yahay howlgallada socdo.

Wasaaraddu waxay digniin u dirtay ganacsatada, iyo cid walba oo ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

“Gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad, dowladda Galmudug ayaa la wareegi doonto, Qaadka saarana waa la gubi doonaa, wadaha gaarigan ciqaab adag ayuu la kulmi doonaa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Weerrarada Alshabaab ay geystaan aroorta hore sida kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada la xoreeyay, ayaa la sheegay inay sabab u yihiin isticmaalka ciidamada ee maaandooriyaha jaadka.

Waxaa la isku waafaqsan yahay inuu meesha ka saaro feejignaanta ciidamada.

Dhawaan, wasaaradda gashaandhigga ayaa sheegtay inay askartu rasaastooda qaad ku iibsadaan, sidoo kale qaadku uu yahay meelaha laga helo sirta ciidanka.













Click here
1/25/2023 3:49 PM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/25/2023 10:28 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Iid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

1/25/2023 10:24 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

1/25/2023 10:03 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalinimadii shalay lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer ay abaarta halkaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceelkarri.

1/25/2023 9:35 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/25/2023 4:16 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

1/25/2023 3:34 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.

1/25/2023 2:12 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.

1/25/2023 12:45 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.