Hiiraan Online
9/28/2023
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in todobaad gudahiis Al-shabaab ka dishay in ka badan 300 oo dagaalame
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo uu garab taagna Ergayga Midowga Afrika Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa sheegay in tiradaasi Al-shabaab looga dilay howlgalo ka dhacay todobaadkan deegaano ka tirsan maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, islamarkaana ciidanka ay kula wareegeen deegaano cusub.
"Isku geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgaladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood.Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Waasiir Warfaafinta Daa’uud Aweys.
Daa'uud Aweys ayaa sidoo kale xusay in howlgalada ay haatan ka bilawdeen deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyada oo la fulinaayo amarkii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si deg deg loo bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab.
Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Wasiirka oo Dhameystiran:-
Tiro Madaafiic ah oo Caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Baledweyne
1/25/2023 3:49 PM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Masuul Soomaali ah oo loo magacaabay mid kamid ah xilalka u sarreeya ee dowladda Itoobiya
1/25/2023 10:28 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Iid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.
Xukuumada, mucaaradka iyo madax dhaqameedka Somaliland oo si isku mid ah uga hadlay arrinta Laascaanood
1/25/2023 10:24 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.
Dowlad degaanka Soomaalida oo beenisay inay jiraan dad gaajo iyo haraad ugu dhintey tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer
1/25/2023 10:03 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalinimadii shalay lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer ay abaarta halkaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceelkarri.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 73 ka mid ah Al-shabaab Maanta lagu dilay deegaanka Miiroon
1/25/2023 9:35 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Galmudug oo deegaannada howlgallada xorayntu ka socdaan ka mamnuucday Qaadka
1/25/2023 8:08 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee Galmudug in la geeyo Qaad/Jaad.
Hannaanka xaqiijinta in Soomaaliya EAC ku biirto oo maanta si rasmi ah u bilowday
1/25/2023 3:34 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.
Ciidamada dib u xureynta deegaanka oo burburiyay Saldhigii Al-shabaab ee Tuulada Ceelgorof
1/25/2023 2:12 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.
Howlgal guri guri loogu baarayo oo xalay laga fuliyay degmada Xamarweyne
1/25/2023 12:45 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Somali News
IATA Welcomes Restoration of ‘Class A’ ATC Services over Somalia
-
IATA
1/25/2023 12:03 PM EST
Geneva - The International Air Transport Association (IATA) welcomes the reclassification of airspace over Somalia and the surrounding region to Class A. This will take place at one minute past midnight on 26 January 2023 when air traffic control services will be operationally restored after a 30-year disruption.
Somali PM Meets UNICEF Delegation
-
QNA
1/25/2023 9:36 AM EST
Mogadishu, January 25 (QNA) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre met Wednesday with a delegation from the United Nations Children's Fund (UNICEF), headed by the Regional Director for East and Southern Africa of UNICEF Mohamed Fall.
Somaliland military chief says Sool region still under Somaliland control
-
HOL
1/25/2023 5:04 AM EST
Hargeisa (HOL) - Somaliland Military Commander Nuh Ismail Tani denied reports of armed forces entering Las Anod town and emphasized that the administration of the Sool region is under the control of the Somaliland army.
Hussen defends contract linked to staffer’s sister, won’t rule out rehiring firm
-
Global News
1/25/2023 1:57 AM EST
Housing Minister Ahmed Hussen says his constituency office “followed all the rules” when it hired a firm with family ties to a staffer working in his office.
Somali police nab man accused of killing daughter
-
HOL
1/25/2023 1:41 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somali Police Force apprehended a father accused of murdering his 6-year-old daughter.
Transfering sick inmate was ‘more of a political issue than medical,’ doctor tells inquest into immigration detainee’s death
-
The Spec
1/25/2023 12:36 AM EST
Abdurahman Ibrahim Hassan was still suffering from delirium when the hospital started planning to move him back to a maximum-security detention facility.
Spartz won’t support McCarthy in denying Omar seat on Foreign Affairs committee
-
The Hill
1/25/2023 12:32 AM EST
Rep. Victoria Spartz (R-Ind.) said she will not support Speaker Kevin McCarthy’s (Calif.) effort to deny Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) a seat on the House Foreign Affairs Committee, making matters more difficult for the GOP leader as he looks to follow through on his pledge to not seat the congresswoman on the panel.
Gavin Williamson and the Somaliland Massacre
-
Declassified UK
1/25/2023 12:28 AM EST
Former UK defence secretary faces criticism for his staunch support of a breakaway African republic, after its security forces killed 20 protesters.
No more laxity, officers AWOL or bribes, North Eastern residents assured
-
The Star
1/25/2023 12:14 AM EST
North Eastern regional commissioner John Otieno has assured area residents of effective and timely government services.
How China became the world’s leading exporter of combat drones
-
Al Jazeera
1/25/2023 12:11 AM EST
Cheap, ‘good enough’ Chinese armed drones dominating world market due to US export controls, analysts say.
WATCH: Repatriated Somali refugees return to Kenya's camps as ravaging drought continues
-
VOA
1/25/2023 12:05 AM EST
Since Kenya began its voluntary refugee repatriation program in 2017, more than 85,000 Somali refugees have resettled back home. But due to record drought in the Horn of Africa, thousands of them have returned to Kenya's Dadaab refugee camp to seek relief. As Juma Majanga reports from Dadaab, those who have returned are finding themselves locked out of aid programs because Kenya has banned the registration of new refugees.