9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Ciidamada dib u xureynta deegaanka oo burburiyay Saldhigii Al-shabaab ee Tuulada Ceelgorof
 

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.

Ciidamada dib u xureynta deegaanka ee burburiyay Saldhigii Shabaab ee Tuulada Ceelgorof ayaa la tilmaamay iney ka dhaqaaqeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan galinkii dambe ee Shalay, kuwaas oo ku guuleystay iney burburiyaan Saldhigii ugu weyna ee kooxda shabaab ku laheyd Ceelgorof oo qiyaas ahaan Waxbo u jirta 8 KM.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dib u xureynta deegaanka oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta gudaha waxay u sheegeen iney cagta mariyeen fariisinkii Shabaab ee Ceelgorof oo ay kooxda isaga carartay, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Shabaab.

Ceelgorof ayaa laga sheegay iney ka mid aheyd meelaha ay kooxda Al-shabaab kasoo abaabulaan qaraxyada iyo weerarada ay ka geystaan degmada Maxaas iyo deegaanada kale ee hoostaga.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Waxbo, hayeeshee maalmo kooban kadib ay ciidamadii deegaankaasi qabsaday ay dib ugu soo laabteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.












Click here
1/25/2023 3:49 PM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

1/25/2023 10:28 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Iid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

1/25/2023 10:24 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada, madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

1/25/2023 10:03 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar maalinimadii shalay lagu baahiyay Warbaahinta oo sheegayay in degmada tuulooyin hoostaga degmada Ceelkarri ee gobolka Afdheer ay abaarta halkaa ka jirta darteed dad badan ugu geeriyoodeen, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degmada Ceelkarri.

1/25/2023 9:35 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/25/2023 8:08 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan ee Galmudug in la geeyo Qaad/Jaad.

1/25/2023 4:16 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

1/25/2023 3:34 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.

1/25/2023 12:45 AM EST
Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.