6/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Millateriga Somaliland oo ka hadlay ciidamo hubaysan oo la sheegay in ay Laascaanood soo galeen
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) -  Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.

Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sheegay in nabadgalyada gobolka Sool gacanta ciidanka ku jirto, isla markaana gaadiid kii gaashaanaa ee garaadada soo galbinayay ay ahaayeen kuwii ciidanka.

"Waxaanu shirkan jaraa'id u qabanay in aanu halkan ka cadayno, in nabadgalyada guud ee magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto ciidamada qaranka, baabuurta garaadada soo dhawaynaysay, waxay ahaayeen baabuurtii ciidankanqaranka" ayuu yidhi Taliye Taani.

Waxa uu sheegay in ay sida u yeeleen si gaadiid kale aanu gobolka usoogalin kadibna aanu amniga u dhaawicin, waxaanu sheegay in wararka sheegaya in baabuur ciidan ay garaadadu wataan ay yihiin waxba kama jiraan.

Waxa uu inta ku daray in shirwaynaha la qorsheeyay in beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeeshaan uu ciidanku amaankiisa sugi doono.

"Shirwaynaha dhaqanka ee gobolka ka dhici doona, cida nabadgalyadiisa sugaysa waa ciidamada Qaranka  Jamhuuriyada Somaliland ee gobolka ku sugan"

Waxa uu sheegay in ciidanku aanu dhag u dhigi doonin hadalo uu ku tilmamay deel qaaf oo dadka qaarkood ku hadleen, waxaanu sheegay in ciidanku uu shaqadiisii caadiga ahayd wadan doono.

Taliyuhu waxa uu shacabka gobolka Sool  usoo jeediyay, in ay nabadgalyada ilaashadaan, waxaanu sheegay in hadii nabadgalyadu meesha ka baxdo ay nolosha oo dhani burburi doonto.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/24/2023 8:17 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

1/24/2023 8:01 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

1/24/2023 2:45 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.

1/24/2023 1:50 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

1/24/2023 1:41 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

1/24/2023 1:25 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/24/2023 1:14 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.