6/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Aabe ku eedeysan dilka Gabartiisa
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa  shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.

Aabahaan ku eedeysan dilka gabartiisa yar uu u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xuseen Culusow, kaasoo la tilmaamay in ciidanka Booliiska degmada Heliwa ay gacanta kusoo dhigeen, kadib mudo ku dhaw laba todobaad oo ay ciidanka raadintiisa ku raad joogeen isaga oo kasoo baxsaday degmada Dharkenleey oo aheyd halkuu horay u dagana uu kusoo dilay gabadhiisa.

Abuukar Xuseen Culusoow ayaa la sheegay inuu gabadhiisa u dilay arimo la xariira maseyr dhanka xaakiisa ah, waxaana sidoo kale la sheegay inuu dhaawac u geystay xaaskiisii.

"Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Degmada Heliwaa ayaa maanta gacata ku dhigay eedeysane Abukar Xuseen Culusoow oo Degmada Dharkenley dil ugu geestay gabar yar uu dhalay 14-kii January 2023 Sidoo kalana dhaawacay xaaskiisii. Ciidanka Booliska oo ku raad joogay Eedeysanahaan ayaa maanta ka qabtay Degmada Heliwaa, wuxuuna Haatan ku jiraa gacanta ciidanka Ammniga ee Booliska" Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay ku baacsanayaan kooxaha geysta falalka la xariira dilka iyo dhaca dadweynaha.












Click here
1/24/2023 8:17 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

1/24/2023 8:01 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

1/24/2023 5:51 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.

1/24/2023 1:50 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

1/24/2023 1:41 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

1/24/2023 1:25 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/24/2023 1:14 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.