6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka wasiirrada isgaarsiinta ee Jaamacadda Carabta
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan oo ah midkii 26-aad ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha cusub.

Kulanka Golaha Wasiirada Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee jaamacadda Carabta ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ku aadan geedi socodka wada jirka Carabta ee dhanka isgaarsiinta iyo Warfaafinta.

Waa qorshe la doonayo si loo mideeyo dadaallada iyo yoolalka si loo gaaro horumarka dhijitaalka ah ee bulshooyinka Carabta.

Golaha Wasiirada Isgaarsiinta iyo Warfaafinta Carabta ayaa ah mid ka mid ah Golayaasha Wasiirada ee sida gaarka ah u hoos taga dalladda Golaha Jaamacadda Carabta.

Waxay ujeedadeedu tahay in la isku duwo oo la mideeyo dadaalka dawladaha xubnaha ka ah Golaha si loo gaaro iskaashi dhow oo ka dhexeeya dalalka Carabta ee abuuritaanka iyo horumarinta xarumaha iyo adeegyada tignoolajiyada isgaarsiinta, iyo in la horumariyo istaraatiijiyada Carabta ee qaybta isgaarsiinta.












Click here
1/24/2023 8:17 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

1/24/2023 8:01 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

1/24/2023 5:51 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.

1/24/2023 2:45 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.

1/24/2023 1:41 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

1/24/2023 1:25 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/24/2023 1:14 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.