6/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Dowladda Kenya oo sheegtay inay ciidamadeedu dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Kenya ayaa lagu sheegay in hay’adaha amnigu ay weerar ku qaadeen xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin Sedahgose oo ka tirsan degmada Gaarisa.

Xerada ayaa waxaa ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay gacanta ku dhigeen hal dagaalame oo nool.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii dowladda Kenya ay boqolaal askar ah geysay si ay u xoojiyaan ammaanka magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.












Click here
1/24/2023 8:17 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

1/24/2023 8:01 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

1/24/2023 5:51 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.

1/24/2023 2:45 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.

1/24/2023 1:50 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

1/24/2023 1:25 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

1/24/2023 1:14 AM EST
Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.