4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2023
Dowladda Soomaaliya oo degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ku wareejisay goobo laga dayactiray jiinka webiga


Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ee Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Jubba, si looga hortago fatahaadaha dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deegaanka.

Gidaarkan oo laga dhisay goobaha jooggooda hooseeyo iyo leexooyinka webiga ayaa dheerar ahaan gaaraya 1,176.2 Mitir oo u qeybsan 11 goobood oo 4 kamid ah ay dhacaan Dooloow, halka 7 kamid ahna ay ku yaallaan Baardheere.

Isku duwaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP) Cali Xaaji  ayaa maamulka kula dardaarmay xil iska saaridda ilaalinta, la socoshada iyo dayactirka gidaarradan maadaama ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay bulshada u qaadeen.

“Waa baahi bulshada ka timid, dowladda Soomaaliyeed oo heer degmo, dowlad Goboleed ilaa dowlad Federaal ahna ka wada shaqeeyeen, maantana aan bulshadii ku wareejinnay, waxaan rajeyneynaa in inay wax weyn ka tari doonto xal waare sidii loogu heli lahaa nidaamka cuntada dalkeena”. ayuu yiri Cali Xaaji.

Guddoomiyaha degmada Baardheere mudane Maxamed Wali Yuusuf Cabdulaahi (Qorax) ayaa dowladda uga mahadceliyay hal abuuridda xal joogto ah oo ka duwan kii hore ee ku koobnaa la tacaalidda xaaladaha degdedegga ah ee markaas taagan.

“Looma baran in laga hadlo in dadku isku filnaadaan oo la maalgeliyo mashaariic na gaarsiinaya isku filnaansho cunto, webiga oo aan mushkilad sababin abaar iyo aaranba waxay ka dhigan tahay waxsoo saar dheeri ah iyo degganaansho bulsho” ayuu yiri.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Dooloow Mudane Aadan Barre Cali (Aadan Madoobe) oo la wareegay 4 goobood oo la xeydaab looga dhisay webiga ayaa isna xusay mashruucaan uu muhiimmad weyn u leeyahay dadka deegaanka, maadaama uu xal joogta ah u keenay maareynta biyaha webiga oo udub dhexaad u ah noloshooda.

Isku duwaha mashruucan ee Jubaland Cismaan Xassan Cabdi ayaa bulshada deegaan ku boorriyay muhiimmadda ay leedahay ilaalinta iyo la socoshada dhismayaasha la hirgeliyay maadaama ay ku xirantahay nolosha dadka iyo deegaanka.

Dhameystirka xeyndaabyadan webiga loo sameeyay ayaa ku soo beegmeysa xilli jiilaal ah taas oo fursad wey u siineysa beeraleeyda u diyaar garoowga xilli roobaadka gu’ga iyo ka faa’ideysigiisa.