3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2023
Isbitaalka ACIBADEM: Hooyo u dhalatay dalka Jarmalka oo 43 jir ku dhashay ilmo

Arbaco, January, 18, 2023 
Sponsored Post


 

Waayahaan dambe, ma adka inaad dhasho ilmo adiga oo ay da’daadu ka weyntahay 40 sano. Waxaana sahlay aqoonta laga gaaray dhalmada oo waddo cusub u furidoonta dhibaatada dhalmo la’aanta. 

Dhibaatada ugu weyn ee dhalmo-la’aanta ayaa ah in aan si haboon loo unkin ugxansidaha (ovarian). Taas oo sababta in ay adkaato in uurjiif tayo lagu dhex-abuuro. Dhaqaatiirta ACIBADEM ayaa isticmaala wax afk-qalaad lagu yiraahdo PRP (Platelet-rich Plasma) taas oo ka mid ah farsamooyin cusub ee bacriminta oo loo yaqaano IVF (in vitro fertilization). Farsamadaan ayaa gun-dhig u ah kordhinta uurjiif tayadiisu ay sarreyso.


Waa maxay PRP sideena loo isticmaalaa?

PRP waa daaweyn aan qalliin ahayn. Waana hab cusub oo loo isticmaalo daaweynta cilladda taranka. PRP waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa dib-u-soo kabashada unugyada iyo bogsashada. Siyaabo kala duwan oo la xiriirta daweyntaas ayaa la isticmaalayey in muddo ah.

Marka nidaamka PRP la sameynayo waxaa marka hore la qaadaa dhiig tijaabo ah, kaddib waxaa loo kala saaraa unugyada dhiigga cas iyo leukocytes. Dareeraha ka kooban platelet-rich plasma (PRP-ga) ayaa markaas la tixgeliyaa. Tijaabadan waaxa loo isticmaalaa PRP, waxaana si toos ah loogu duraa ugxan-sidaha iyadoo la isticmaalayo habka ultrasound-ku hagayo.


Annigoo 43 jir ah ayaan dhalay canug, guushaas waxaa sababay PRP

Lamaane u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Laura iyo Thomas, ayaa is qabay muddo 16 sano ah. Lamaanaha ayaa saddex jeer isku dayay in ay carruur helaan iyagoo isticmaalaya nooca bacriminta ee In vitro fertilisation (IVF), balse wey ku guul-darreysteen. Waxay ku sigteen inay ka quustaan inay ilmo dhalaan. Waxay go’aansadeen inay siiyaan fursadii ugu dambaysay raadinta daaweynta IVF ee dibadda. 

Laura ayaa sharaxaad ka bixisay safarkeedii ugu horreeyay ee Turkiga iyo Isbitaalka ACIBADEM:

"Ma hubo waxa igu kalifay inaan raadiyo daaweynta IVF ee dibadda. Marka aad caafimaad qabto adigoo ku jira da’aada 40-ka sano, waxay u badan tahay inaad ka quusato inaad ilmo dhasho. Waxaan nahay lamaane isqaba muddo 16 sano ah, iskuna dayay daawaynta bacriminta IVF muddo saddex jeer ah. Waxaan weli ku hamineynay inaan ilmo dhalno, laakiin isla markaa, waxaan la qabsannay fikradda ah in ilmo la'aan la noolaan karo. Muddo ka dib, waxaan bilownay inaan ka fikirno inaan dibadda u aadno daawo. Waxaan qiimeyneynay halkii ku haboon oo aan daawada dhalmada u raadsanaa. Waxaan arkay xayayseesiimo iyo muuqaallo ka immaanayey ACIBADEM Healthcare Group ee dalka Turkiga. Waxaan akhriyay waraaqo ku saabsan isbitaalka iyo awoodiisa IVF. Waxaanba oggaaday in ay yihiin xarunta ugu weyn ee bixiya daryeelka caafimaadka gaarka ah, ayna sumcad weyn ku leeyihiin daaweynta dhalmo la'aanta. Waxaan sidoo kale faallooyinka ku saabsan isbitaalka oo lagu qanci karo ka akhriyay baloogyada caafimaadka. Waxaan booqanay isbitaalka ACIBADEM si aan ula kulano dhakhtarka dumarka iyo khabiirka dawada taranka Prof. Bülent Tıraş, MD. Si fiican buu noo dhegaystay, oo baaray diiwaankayaga caafimaad, waxaanu fikirkiisa ku biiriyey qorshaha daaweynta.”

Laura ayaa aheyd 42 jir wakhtigaas, saddex jeer ayeyna sameyeen isku dayga IVF, balse laguma guuleysan intii ay joogeen dalkeeda Jarmarka. Kaddib markii la tixgeliyey da'da Laura iyo isku daygii hore ee fashilmay, Professor Bülent Tıraş iyo kooxdiisu waxay go'aansadeen inay dalbadaan daaweynta PRP. Lammaanaha ayaa ku noqday waddoonkoodii, kaddib markii loo sameeyay daaweynta PRP, kicinta ugxan-sidaha, dib-u-soo celinta ukunta, iyo ugu dambeyntii wareejinta uurjiifka. Laba toddobaad kaddib, waxay mar kale booqdeen Turkiga, si ay u oggaadaan inay noqon doonaan hooyo iyo aabe. Muddo todobo (7) bilood ayaa laga jogga markii ay Laura gabar ugu dhalatay magaaladii ay ayadab ku dhalatay.


Kumannaan lammaane ah ayaa sanad walba booqda isbitaalka ACIBADEM, iyagoo rajo ka qaba inay ilmo dhalaan.


Si la mid ah Laura iyo Thomas, sannad kasta kumannaan lammaane ah oo ka kala yimaada dalka dibadiisa, ayaa booqda Turkiga iyo isbitaalka ACIBADEM. Aqoon casir ah sida PRP, dhaqaatiir aqoontoodu sarreyso, qiimo ay dadka awoodaan iyo shiibaaro casri ah ayaa sababta dad-badan ay u doorteen isbitaalka ACIBADEM. Laura waxay tiri "Kharashka aan ku bixinay ACIBADEM wuxuu aad uga hooseeyaa kan aan ku bixinay xarunta IVF ee Jarmalka. Ka hor intaanan imaan dalka Turkiga, waxaan eegnay xarumaha IVF ee dalka Maraykanka. Halkaas kuma aannu arag wax na qanciya. Waxa intaa dheer, qiimuhu waxa uu ahaa ku dhawaad 10 jibaar marka la barbar dhigo isbitaalka ACIBADEM.

Professor Bülent Tıraş iayaa sheegay in daaweynta PRP ay rajo cusub siindoonto dumarka, gaar ahaan kuwa horay ugu guul-dareystay tijaabada IVF. " Marka aan isticmaaleyno daaweynta PRP, Waxaan kordhinaa dhumca ugxansidaha iyo tayada ukumanka. Daaweynta PRP ayaa rajo-weyn igalisay marka aan arkay natiijooyinka ka soo baxay. Muddo Seddex sano iyo bar ayaan isticmaaleynay daaweynta noocaan ah dalka Turkiga gaar ahaan xaruunta ACIBADEM Maslak IVF Center. Waxaan halkaas ku daaweynay dad ay da’doodu kala duwantay. Waxaana ugu badnaa dad da’doodu ka weyntay 40 sanno. Daaweynta PRP ayaa noo suura-galisay da’da dhalmada kurdhino. Haweeneey ay da’deedu tahay 48 jir ayaa uur ku qaaday ayada oo la isticmaalayo awoodda daaweynta ee PRP iyo IVF.”

Waxaa intaa dheer in la sameeyey daraasad caafimaad oo kala duwan oo lagu baarayo wax-tarka iyo saameynta PRP ee daaweynta IVF ee la xiriira dumarka uurka leh. Professor Bülent Tıraş iyo kooxdiisa ayaa si qoto-dheer u baaray arrintaan la xiriirta ilma-la’aanta. Waxay baareen in ka badan 311 oo dumar ah ayga oo isticmaalayo daaweynta PRP. Natiijada ay ka heleen ay ah mid ididiilo leh.

Waalid ama qoys noqoshada.

Laura ayaa nala wadaagtay sida ay noloshoodu isu beddeshay markii ay ilmaha heshay kaddib; "Gabadheenna yar ee quruxda badan hadda waxaa ay jirtaa 7 bilood. Ugu dambeyntii waxaan noqonnay waalid, waxaana jeclaan lahaa inaan noqono waalid wanaagsan. Waxaa laga yaabaa xitaa in aan nahay waalidiin weyn. 

Inaan ahaanno hooyo iyo aabe waxaa ay aheyd mudnaanteena koowaad. Dunideena hadda waxay ku wareegaysaa ilmaheena. Waan ogahay in ay xoogaa yar tahay in aan sidan dhaho, laakiin in aad carruur dhasho ayaa ah dareenka ugu weyn ee qofka bini'aadamka ah uu dareemo, taasina waa sheeko soo jireen ah.

Si aad tallooyin caafimaad uga hesho dhakhaatiirteena, nala soo xiriir hadda: https://acibademinternational.com/ 













Click here
1/18/2023 9:16 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamiga ah.

1/18/2023 7:02 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda uu hiigsanayo in lasoo saaro lacagta cusub ee shilinka Soomaaliga, si wax looga qabto lacagaha qalaad ee xad-dhaafka ah ee suuqyada ku jirta iyo sicir-bararka.

1/18/2023 2:56 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee Al-shabaab looga saaray degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

1/18/2023 1:17 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay furintaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab iuu ka bilaabanayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

1/18/2023 1:13 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed.