3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal ka socda duuleedka deegaanka Xawaadleey lagu dilay 25 ka mid ah Al-shabaab
 

Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamiga ah.

Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu si gaar ah uga socdo Beerta Sheekh Qaasim oo ku taala Tuulada Dhagaxoow oo hoostagta deegaanka Xaawaadleey oo shalay uu ka dhacay weerar khasaare geystay oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka socda lagu dilay 25 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana laga soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Aroornimadii hore ee Shalay ayay aheyd markii deegaanka Xawaadleey kooxda Shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilaawday sadax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Taliyahii guutada 3-aad qeybta 27-aad Korneel Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey.












Click here
1/18/2023 9:38 PM EST
Waayahaan dambe, ma adka inaad dhasho ilmo adiga oo ay da’daadu ka weyntahay 40 sano. Waxaana sahlay aqoonta laga gaaray dhalmada oo waddo cusub u furidoonta dhibaatada dhalmo la’aanta.

1/18/2023 7:02 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda uu hiigsanayo in lasoo saaro lacagta cusub ee shilinka Soomaaliga, si wax looga qabto lacagaha qalaad ee xad-dhaafka ah ee suuqyada ku jirta iyo sicir-bararka.

1/18/2023 2:56 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee Al-shabaab looga saaray degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

1/18/2023 1:17 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay furintaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab iuu ka bilaabanayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

1/18/2023 1:13 AM EST
Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed.