4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2023
Lafta Gareen: Koonfur Galbeed xabsi 5km ayay ku jirtaa barakacna ma xamili karto
 

Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay Koonfur Galbeed inay ku jirto xabsi 5km u jirto, isagoo ula jeeday inay kooxda Shabaab dhinac kasta ka joogaan oo aysan jirin meel loo qaxi karo. Wuxuu sheegay dadkeedu inaysan xamili karin barakac iyo dhibaato.

Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu ugu baaqay cid kasta oo ka aragti duwan inay ogaato in waxa la isku haysto ay tahay nabada yarta ah ee ka jirta Baydhabo.

“Waxa la isku haysto waxaa waaye, labo nin oo aan timo lahayn oo shanlo isku dagaalayso. Ninkii la siiyo wuxuu ku shanlaysto maleh. Marka aan timo helno, ayaan shanlada isku qabsan karnaa. Timaha aan helayno waxaa weeye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayuu madaxweyne Lafta Gareen ka sheegay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo shalay ka furmay Baydhabo.

Shirkaan ayaa lagusoo afjarayaa khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed.

Khilaafkaas oo ka dhashay muddo kororsi uu barlamaanka maamulkaas u sameeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed.