3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka Golaha wasiiradda Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa ahaa mid si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo in ay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Raysal wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hanaanka deyn cafinta ay u jeesaneyso fulinta mashaariicda waa weyn ee Kaabayaasha dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale  sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto qorshaha horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.

Madaxweyne ku xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna balanqaaday in Baanka Adduunka sii wadi doono taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo balanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.












Click here
2/5/2023 9:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhaliilo u badan dhanka Saxaafadda usoo jeediyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

2/5/2023 7:25 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

2/5/2023 5:54 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.

2/5/2023 5:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa cambaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

2/5/2023 3:33 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/5/2023 12:11 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.

2/5/2023 12:05 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.