9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 5 , 2023
Muran ka taagan maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug
 

Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxgaradka labada beelood ayaa mid waliba waxay sheeganeysa iney tahay beesha ugu badan ee degta degmada Hobyo, islamarkaana ay mudan tahay mid walba in noqoto cida mataleysa maamulka degmada Hobyo.

Qeybaha kala duwan ee Beesha reer Xaaji Saleebaan oo kulan ku yeeshay gudaha degmada Hobyo ayaa ku baaqay in Hobyo loo dhiso Gole deegaan sida horay gole deegaan loogu soo dhisay degmooyinka kale ee maamulka Galmudug oo aysan noqon mid maamulkeeda lasoo magacaabo.

"Anaga reer Xaaji hadaan nahay waxaan gobolka Mudug ku leenahay 68 deegaan waxaan xaq u laheyn helitaanka guddoomiyaha gobolka, Taliyeyaasha ciidanka iyo waxyaabo kale oo badan waxaana intaas oo dhan ku weynay in madaxweynaha Galmudug uu kasoo jeedo reer Xaaji Saleebaan oo haduu noo magacaabo booska xaqa u laheyn la leeyahay beeshiisa ayuu u roonaaday" ayuu yiri mid ka mid ah odayaash beesha reer Xaaji Saleebaan.

Waxaa sidoo kale jirta in waxgarad ka tirsan Beesha Sacad oo dhankooda sheegeen in degmada Hobyo ay tahay mid deegaan ahaan wax laga weydiinayo beesha Sacad, islamar ahaanta ay mudnaanta maamulka degmadaasi leedahay.

"Reer Xaaji Saleebaan waa walaalaheen, daris baa nahay deegaankana waan kala leenahay, horay waxaa inoo soo dhexmaray dhibaato badan mana dooneyno in markale waxaas dhacaan, waana in wax lagu qeybsada sidi xalka horay loogu gaaray, Cadaado horay Sacad ayaa u lahaa ayaga nala soo dagay way naga soo saareen, waxaan leeyahay walaalaheen ma yeeleyno inaan idinku xad gudubno ee ha nagu soo xad gudbina" ayuu yiri mid ka mid waxgarad Beesha Sacad.

Murankaan is qabqabsi ee ka dhexeeya beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Habargidir ayaa imaanaya, iyadoo dagaalo xoogan ay ka socdaan inta badan deegaanada maamulka Galmudug.












Click here
2/5/2023 10:15 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

2/5/2023 9:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhaliilo u badan dhanka Saxaafadda usoo jeediyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

2/5/2023 7:25 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay.

2/5/2023 5:54 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.

2/5/2023 5:38 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Soomaali-Mareykan ee ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa cambaareeyay tallaabada Ilhaan Cumar looga saaray xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Koongareeska.

2/5/2023 12:11 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas.

2/5/2023 12:05 AM EST
Axad, February, 5, 2023 (HOL) - Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.