12/6/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2023
Taliska ATMIS oo war kasoo saartay dil askartooda u geysteen qof shacab ah
 

Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ka xun yihiin dil askari katirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in falkaan dilka ah uu yimid kadib markii sida ay sheegeen qof aan la aqoonsan uu ku tuuray shay laga shakiyay mid ka mid ah gawaarida ATMIS.

ATMIS waxay sheegtay in ay askartu rasaas kaga jawaabaan falkan, taasoo keentay geerida qofka shacabka oo ay ATMIS sheegtay inay ka shakiyeen.

ATMIS ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan madax banaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaaladda iyadoo natiijooyinka kasoo baxana ay la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, qoyska marxuumka uu ka geeriyooday ayaa ku eedeeyay ciidamada ATMIS inay si bareer ah u dileen wiilkooda, waxayna dalbadeen inay caddaalad helaan.













Click here
2/4/2023 9:47 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgalo qorsheysan oo ay Maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

2/4/2023 2:02 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uusoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa gudaha dowlad degaanka Soomaalida, kuna saabsanaa Saxaafadda iyo tallaabooyin ay dowladsiisu ka qaaday qaar kamid ah Saxaafadda ka howlgasha degaanka Soomaalida.

2/4/2023 1:56 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay inuu gabagabo marayo qorshe ay dib ugu fureyso xaduuda Mandhera ay kala wadaagto Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah dadaalada lagu hagaajinaayo amaanka xaduuda iyo la dagaalanka badeecooyinka koontarabaanka ah.

2/4/2023 12:36 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhawaad labo todobaad ka hor ay ciidamada Mareykanka ku dileen buuralayda gobolka Bari ee Puntland, ayaa tooshka ku ifiyay shabakad maaliyadeed oo ka jirta Geeska Afrika sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka.

2/4/2023 12:20 AM EST
Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.