12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2023
Wasiir Koore: Siyaasada dowladu waxa weeyi in dadka Laascaanood anay dareemin cabudhin
 

Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ciidanka magaalada Laascaanood looga saaray si anay dadku u dareemin cabudhin.

Waxa uu sheegay in ay ogyihiin nadaam daro hada ka jirta Laascaanood, lakiin ciidanka magaalada laga saaray si shacabku anay u dareemin in awood ciidan loo isticmaalayo, isla markaana la dareensiiyo in ciidanku ay dadkoodii yihiin.

"Buuqa magaalada ka jira waa la ogyahay, ciidanka qaranka iyo dhamaan siyaasada dowladu waxay noqotay, in dadku anay dareemin in la cabudhinayo, ama awood ciidan loo isticmaalayo, ee dadku dareemaan in ciidanka iyo dowladu yihiin dadkoodii oo ay jeceliyiin oo anay dhib la rabin" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxa uu sheegay in iyadoo la ilaalinayo nabada ciidamada habeen madow laga saaray magaalada, isla markaana magaalada ay joogaan ciidamo deegaanka ah oo laysla ogolyahay, waxa uu sheegay in xukuumadu ay rabto in ay wanaag iyo wadahadal ku dhamayso waxkasta.

Waxaanu sheegay in bulshadu fikirka ku kala duwanyihiin, lakiin ay Somaliland wada leeyihiin, isla markaana anay jirin cid cid kale ka saari karta, lakiin loo bahanyahay in wadahadal waxkasta lagu dhameeyo.

Wasiirka ayaa ka hadlayay munaasibad lagu xusayay xaflada xuska sannad guurada 29aad ee Ciidanka Millateriga Somaliland oo lagu qabtay dulleedka Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/2/2023 9:10 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee shirku Laascaanood uga socdo, ayaa sheegay in anay aqbalayn dhexdhexaadin madaxweynaha Jabuuti.

2/2/2023 6:38 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay'adda Transparency International (TI).

2/2/2023 6:11 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho.

2/2/2023 4:33 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

2/2/2023 3:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

2/2/2023 1:31 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.

2/2/2023 1:09 AM EST
Khamiis, February, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah.