9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Hoobiyeyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo wadooyinkeeda xiran yihiin
 

Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay jugta tiro hoobiyeyaal oo la tilmaamay iney ku dhaceen qaar kood xaafadaha ku yaala agagaarga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo tiro ahaan gaarayay ilaa 5 ayaa laba ka mid ah la xaqiijiyay iney ku kala dhaceen guri shacab ah oo ku yaala Isgoyska Bakaaraha iyo goob Maqaayad ah oo ku taala Isgoyska Tarjiinka, iyadoo kuwa kalana ay ku dhaceen xaafado ku teedsan Madaxtoyada, waxaana lasoo warinaya iney geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh balse ma cadda ilaa hada tirada saxda ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay iney sheegato masuuliyada weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaaco gudaha magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashaan lagu garaacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo saakay waddooyinka Muqdisho loo xiray shir ay ku yeelanayaan gudaha magaalada Muqdisho Madaxda dalalka la isku yiraahdo safka hore ee Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.












Click here
2/1/2023 9:20 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab deegaanka Beerxaano oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne.

2/1/2023 8:10 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Shir madaxeedka dalalka safka hore uga jira dagaalka Alshabab ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay war murtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda shirka.

2/1/2023 7:29 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay Muqdisho kuwa qaateen madaxweynayaasha dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

2/1/2023 4:23 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga hadlayo amniga oo u dhaxeeya wadamada safka hore kaga jira howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya.

2/1/2023 3:01 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Dhuusamareeb es xarunta maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 147, kaasoo ka mid ahaa kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kasoo uu baneeyay Taliyaha Hay'adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

2/1/2023 12:22 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Ethoipia iyo Jabuuti ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

2/1/2023 12:13 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, iyadoo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland.