3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Madaxweynayaasha dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya oo maanta kusoo wajahan Muqdisho
 

Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Ethoipia iyo Jabuuti ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Ujeeddada imaatinkooda ayaa ah sidii loo taageeri lahaa gulufka dagaal ee dowladda Soomaaliya kula jirto kula jirto Alshabaab iyo sidii ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya uga qeyb qaadan lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys ayaa sheegay in madaxweynayaashu ay ka wada hadlayaan sidii caqabada Alshabaab iyo firxadkooda aanay saamayn ugu yeelan dalalka gobolka kuyaalla.

"Waxaa muhiimad loo arkay in dagaalka argigixiaada aan lagu koobin Soomaaliya oo kaliya. Dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto waxay muhiimad u arkeen danahooda amniga ee mustaqbalka, maadaama hadda uu gabaabsi yahay dagaalka argigixisada, ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wuxuu sheegay wasiirku in gabagabada shirkaan looga dhawaaqidoono iskaashi weyn oo dhinaca amniga ah, taasoo ah in ciidamada ATMIS ay si toos ah uga qeyb galaan dagaalka Shabaab ka dhanka ah.

Dhinaca kalena guud ahaan waxaa saakay xiran waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sababa la xiriiira wafuuda imaanaysa. Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay hay'adaha amnigu inay ku taliyeen tallaabadan kadib qiimayn amni oo la sameeeyay.












Click here
2/1/2023 9:20 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab deegaanka Beerxaano oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne.

2/1/2023 8:10 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Shir madaxeedka dalalka safka hore uga jira dagaalka Alshabab ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay war murtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda shirka.

2/1/2023 7:29 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay Muqdisho kuwa qaateen madaxweynayaasha dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

2/1/2023 4:23 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga hadlayo amniga oo u dhaxeeya wadamada safka hore kaga jira howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya.

2/1/2023 3:01 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Dhuusamareeb es xarunta maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 147, kaasoo ka mid ahaa kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kasoo uu baneeyay Taliyaha Hay'adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

2/1/2023 2:04 AM EST
Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay jugta tiro hoobiyeyaal oo la tilmaamay iney ku dhaceen qaar kood xaafadaha ku yaala agagaarga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

2/1/2023 12:13 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, iyadoo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland.