9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2023
Somaliland oo Puntland uga digtay in ay diwaangalin ka samayso Dhahar
 

Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, iyadoo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray, oo ka hadlay mudaharaad dadka deegaanka degmada Dhahar ay ku diideen in ay qaataan kaadhka codaynta Puntland, ayaa Puntland ugu baaqay in ay go'aanka shacabka ixtiraamto.

"Waxan hada shir saxafadeedkan u qabtay, in dadku waxayna doonayn aan lagu qasbin, dadkani way tashadeen, go'aan bay gaadheen, go'aanka ay gaadheena iyaguna kama noqonayaan, kuwa doonaya in ay socodsiiyaana u suuroobi mayso"

Waxa uu sheegay in bulshadu go'aan ku gaadhay in anay Puntland deegaankooda wax diwaangalin ah kasamayn, kadibna maamulka Puntland uu xoog shacabka u isticmaalay kadib markii ay shacabku diideen in ay qaataan kaadhadhka codaynta dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxa uu Puntland uga digay in ay cabudhiso shacabka isaga oo sheegay in uu Puntland usoo jeedinayo in anay waxyeelayn amniga deegaanada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dadweynaha degmada Dhahar ayaa ka mudoharaaday diwaangalinta codbixiyayaasha oo Puntland doonaysay in ay deegaankan ka fuliso, waxaana jira isku dhac dhex maray booliiska Puntland iyo shacabka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/1/2023 9:20 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab deegaanka Beerxaano oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne.

2/1/2023 8:10 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Shir madaxeedka dalalka safka hore uga jira dagaalka Alshabab ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay war murtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda shirka.

2/1/2023 7:29 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay Muqdisho kuwa qaateen madaxweynayaasha dalalka Kenya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

2/1/2023 4:23 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga hadlayo amniga oo u dhaxeeya wadamada safka hore kaga jira howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya.

2/1/2023 3:01 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Dhuusamareeb es xarunta maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 147, kaasoo ka mid ahaa kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kasoo uu baneeyay Taliyaha Hay'adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

2/1/2023 2:04 AM EST
Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay jugta tiro hoobiyeyaal oo la tilmaamay iney ku dhaceen qaar kood xaafadaha ku yaala agagaarga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

2/1/2023 12:22 AM EST
Arbaco, February, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Ethoipia iyo Jabuuti ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.