5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 27, 2023
Dagaal khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Arbaco, September, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Xalay saqdii dhexe fariisin ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano macawiisleeyda ay ku leeyihiin deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalka Xalay ku dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab deegaanka Aboorey inuu ahaa mid xoogan oo socday ku dhawaad hal saac, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka Xalay ka dhacay Aboorey khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana looga dilay weerarka ay soo qaadeen 8 xubnood.

Xubnaha Shabaabka ee weerarka ku qaaday deegaanka Aboorey ayaa la tilmaamay iney  kasoo gudbeen Wabiga Shabeelle oo kala qeybiya Bariga iyo Galbeedka Hiiraan.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa guud ahaa bariga gobolka Hiiraan laga xureeyay kooxda Al-shabaab, kuwaas oo haatan weeraro dhuumaleysi ah kusoo qaada deegaanadii laga xureeyay iyagoo kasoo gudbaya Wabiga Shabeelle, maadaama wali kooxdu ay ku sugan tahay deegaano badan oo ku yaala Galbeedka Hiiraan.