Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Golaha Dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta si aqbaliyad leh codka kalsoonida u siiyey Xoghayeyaasha Golaha Fulinta, kuwaas oo uu 12kii september magacaabay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.
newsinsideCodka kalsoonida markii la siiyay kaddib, ayaa la dhaariyey Xoghayeyaasha iyada oo ay goobjoog wada ahaayeen Hoggaamiyaha, Ku xigeenka hoggaamiyaha iyo Gudoonka Golaha Dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ayaa sheegay golihiisa xoghayayaasha inay ka shaqayn doonaan fulinta arrimaha mudnaanta leh, sida, xoraynta iyo xasilinta, sugidda amniga degaaanda SSC, dib u dajinta dadkii barakacay iyo dib usoo celinta kaabayaashii bulshada.
Ansixinta golaha xoghayayaasha SSC- Khaatumo ayaa kusoo beegantay, iyadoo maanta muddo bil ah laga joogo markii ciidamada Somaliland dagaal looga saaray taliskoodii Goojacadde iyo saldhigyadii ay kaga sugnaayeen Laascaanood.
Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa hadda ku sugan degaanka Guumays oo ku dhow degmada Oog. Labada dhinaca ayaa halkaas ka wada dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo isu diyaari dagaal dhici kara.