5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2023
ACIBADEM TURKEY - Rajo Weyn oo ka Muuqata Daaweynta Cudurka Kansarka



Talaado, September, 19, 2023
Sponsored Post

 


Haddii aad u baahato  xog dheeraad ah, fadlan booqo adiga oo nagala  soo xiriiri karaya https://acibademinternational.com/
 
Acıbadem waa xarun caafimaad oo ku taalla Turkiye oo daaweyn iyo daryeel dhammaystiran u diyaarisay dhammaan qaybaha kala duwan ee Kaankarada ama Kansarka ku dhaca dheef-mareenka cutadu marto, kuwaan oo runtii ah kuwa ugu dhibta badan daaweynta Kansarka. Kaankarada haleesha dheef-mareenka, oo loo yaqaan - gastrointenstinal cancer – waxaa loo adeegsadaa dhammaan Kansarka ku dhaca Hab-dhiska Dheefshiidka oo dhan. Kuwa ugu badan Kansarka waxaa ka mid ah kansarka hunguriga, kansarka caloosha, midka malawadka ku dhaca, kansarka ganaca, kansarka beerka iyo kansarka beerka. Acıbadem waxaa ka go’an in ay wax muuqda ka badesho nolosha bukaanka la nool xanuunkan sida ugu heer sarraysa oo ay la socoto daryeel naxariiseed. 

Maanta, qaybta Acıbadem ee qaabilsan Dheefmareenka iyo Burooyinka Kansarka wax ay u diyaarisay adeegyo dhammaystiran oo loogu talo galay bukaanka. Daaweynta kansarka dheefmareenku waxa uu u baahan yahay dhakhaatiir takhasus gaar ah u leh. Intaas oo kaliya maaha, ee Isbitaalka Acıbadem waxa wada shaqeeya dhakhaatiir takhasusyo kala duwan leh. Dhakhaatiirtaas oo isugu jira dhakhaatiirka unugyada dheef-shiidka, kuwa qalliinka guud, dhakhaatiirta kansarka daweeya, kuwa shucaaca ku daweeya kansarka, dhakaatiirta qalab adeegsiga wax ku daweeya, iyo kuwo nafaqaynta qaabilsan oo iyagu xoogga saara cuntada iyo nafaqaynta iyo sida ay daaweynta kansarka dheefmareenka uga qayb qaadan karaan. 

Daaweynta Kansarka Dheef-mareenka


Waxaa loo qaybiyaa daaweynta kansarka dheef-mareenka ilaa saddex: qalliin, daaweynta-shucaaca, iyo daaweynta baahsan oo ay ka mid tahay adeegsada kiimikada lugu dilo kansarka, adeegsiga difaaca jirka, iyo in la abbaaro waxyaabaha korinaya unugyada kansarka. Saddexdaan ayaa si talantaalli ah loo adeegsadaa marka la wajahayo daaweynta kansarka dheef-mareenka marka uu bilowga yahay iyo weliba marka danbe ee uu baaho.

10 kii sano ee ugu danbeeyey daaweynta casriga ah waxa ay hor-seedday hannaan cusub oo loola tacaalo kansarka ku dhaca dheefmareenka. Tanoo, runtii keentay in dadka ka noolaada cudurkaan ay soo badanayeen sanad-ba sannadka ka danbeeya. Sida cilmi-baaris la sameeyey ay tibaaxayaan, 5 sano oo kusoo noqoshada nolol caadi ah ayaa soo koror tay ilaa 65%, toban kii sano ee ugu danbeeyey siiba dadka qaba kansarka malawadka ku dhaca.

Dadka qaba kansarka ganaca oo runtii ah kuwa ugu dhibta badan ayaa iyaguna ilaa 5 sano ay ku korortaa noloshooda ilaa 12%, tanoo ahayd 5% 20 sano ka hor. Dhanka kale, kansarka malawadka oo ah midka ugu badan ee dadka ku dhaca ayaa asagana daaweyntiisu kor u kacday. Waxa aan adeegsannaa daaweynta aannu abbaarno halka kansarku ka korayo. Qaabka daaweyntan ayaa adeegsata in la toogto meelaha uu ka korayo kansarku si loo xakameeyo koridda iyo faafidda unugyada kansarka. Tusaale kale waxaa ah daaweynta kansarka ganaca ku dhaca. Qaybta Acıbadem ee qaabilsan Dheefmareenka iyo Burooyinka Kansarka ayaa dhakhaatiirta shucaaca ku daweysa kansarka waxa ay adeegsadaan MRIdian radiotherapy, oo ah qalab casri ah oo toos u abbaara kansarka. Qalabkani waxa uu muujiyaa oo helaa meelaha kansarka iyo burooyinku ay ka jiraan iyadoo si toos ah loo daawanayo waxa meelahaas ka socda. “Tanoo suurtogal ka dhigta in shucaaca la adeesanayo la badin karo iyada oo isla markaas na la yaraynayo waxyeellada uu shucaacu jirka u geysan karo.” Sidan ayaa waxaa sheegay Bare Sare oo dhiga daaweynta kansarka, Hüseyin Engino oo kamid ah khuburada qaabilsan garashada iyo daaweynta kansarka dheef-mareenka haleela.

Calaamadaha kansarka mindhicirka waxaa ka mid ah isbeddelka dhaqdhaqaaqa mindhicirka, dhiigbaxa malawadka, miisaanka oo yaraada oo aan la garanayn, calool xanuun ama casiraad, iyo matag. Sumaya, oo u dhalatay dalka Soomaaliya,  ayaa la kulantay calaamadas kor ku xusan markii laga helay kansarka mindhicirka iyadoo 63 jir ah. Sidaas daraaddeed, kansarkas lamama saari karo qalliin. Markiba waxaa la doorbiday in ay u bahantahay kiimoterabi iyo shucaac qalliinka ka hor. Sumaya walaalkeed oo 3 sano ka hor daaweyn aadu wanaagsan ah kala kulmay cisbitaalka Acıbadem. Wuxuu go'aansaday inuu u kano walaashiis cisbitaalka si o kansarka lu dawaayo. Warbixinta caafimaad ee Sumaya waxaa la wadaagay borofeesar Hüseyin Engin, oo ku takhasusay cilmiga onkoolajiga. Profesarka waxa uu go'aansaday in la isticmaalo daaweynta oo loo yaqaano 'immuntherapy'. Daaweynta waxaa ka mid ah isticmaalka dawooyin gaar ah si loo caawiyo in lagu jebiyo xarigta kansarka. Daaweynta immunotherapy waxay kor u qaadataa nidaamka difaaca jirka inuu ogaado jiritaanka walxaha shisheeye. Waxay ka caawisaa in lagu jebiyo kansarka iyadoo loo marayo jawaabaha nidaamka difaaca jirka. Natiijadii daaweynta ayaa ahayd mid fiican, lixda bilood ee daaweynta ka dib, bukaankeedii ayaa dhammaan wada tagay. "Dhammaan tillaabooyinka daaweynta ka dib, indhahayga waxaa ka buuxsamay ilmo rajo iyo nabad ah. Waxaan ogaa inaan imid meel sax ah. Waxaan ugu dambeyntii ku noolaa nolosha aan lahayn kansar, 2dii sano ee la soo dhaafay. Waan ku mahadsanahay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kulliyada Acıbadem," ayay tidhi Sumaya.

Qaybta Acıbadem ee Kansarka Dheefmareenka waxa ay ka mid tahay meelaha caalamka loo soo aado daaweynta iyo daryeelka kansarka ku dhaca mindhicirka, malawadka, ganaca, beerka iyo kansarka haleela habdhiska dheefshiidka oo dhan. Haddii aad u baahato  xog dheeraad ah, fadlan booqo adiga oo nagala  soo xiriiri karaya https://acibademinternational.com/