5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 9 , 2023
Somaliland oo ka hadashay dagaal maalintii labaad ka dhacay deegaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool

Khamiis, November, 9, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa Puntland iyo koox argagixiso ah ku eedaysay in ay soo qaadeen dagaal maalintii labaad ka dhacay deegaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa lagu yidhi "Waxaa maalintii labaad weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hogaamiyo Cabdi Madoobe, Huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya".

Waraaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in dadka shacabka ahi ay iska difaaceen weeraro ay soo qaadeen kooxo argagixiso iyo huwanta ah, weerarkaasi oo ay  ku tilmaantay dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka oo nabad jecel, sida warsaxaafadeeda loo dhigay.

Qoraalka xukuumadu waxay intaa ku dartay in ciidamada millaterigu ay ka qaybqaateen dagaalka, isla markaana ay cagta mariyeen ciidamadii deegaanka soo weeraray, Somaliland ayaa si gaar ah dagaalka ugu eedaysay Taliye Cabdimadoobe oo ka tirsan Ciidamada SSC Khaatumo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay ka masuulyihiin ilaalinta badqabka shacabka, isla markaana ay amar ku qabaan in ay cagta mariyaan cidkasta oo oo soo weerarta.

SSC Khaatumo ayaa shalay dhankeeda Somaliland ku eedaysay in ay masuul ka tahay dagaalada dib uga qarxay deegaankan, isla markaana ay adeegsanayso qabaa'il.