12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Khasaaraha ka dhashay daadadka iyo Fatahaadaha dalka oo sii korortay
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Waxaa sii kordhay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha hay'adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fataahadaha wabiyada Shabeelle iyo Juba iney gaartay 50 qof.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday ay gaarayaan ku dhawaad Toddobo boqol oo kun oo qofood, iyadoo si guud u saameeysay dad gaaraya qiyaas ahaan hal dhibic afar milyan 1.4M oo qof.

"Waxaan ugu baaqaya ayaa dhamaan umada Soomaaliyeed iney isu gurmadaan, si looga maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye" ayuu yiri guddoomiyaha hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha SODMA ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha wabiyada maraan iyo goobaha daadadku ka jiraan uga digay khatarta xilligan ka jirta dalka iney sii kordhi karto, islamarkaana loo baahan yahay iney taxadar dheeraad ah muujiyaan.












Click here
11/17/2023 11:07 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku tagey xerada Hiil weyne oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta Caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

11/17/2023 4:55 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ku dilay xaaskiisa hotel magaaladaas ku yaala.

11/17/2023 4:27 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miinkeey oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

11/17/2023 2:39 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay deegaanka Kheyletsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town.

11/17/2023 1:24 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys.