12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya nin Soomaali ah oo Xaaskiisa ku dhex dilay Hotel ku yaala dalka Turkiga
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ku dilay xaaskiisa hotel magaaladaas ku yaala.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in lamaanahaan dalxiis ahaan u yimaadeen dalka Turkiga, waxaana la xaqiijiyay in gabadha dhimatay ay haysatay dhalashada dalka Ingiriiska.

Dilka uu ninka Soomaaliga ah u geystay xaaskiisa ayaa ila hadda aan la xaqiijinin, waxaana laga war sugayaa baaritaan ay wadan dowladda Turkiga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ninkan uu qirtay dambiga uu galay, kaasoo haatan ku jira gacanta ciidanka Booliiska dalka Turkiga.













Click here
11/17/2023 11:07 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku tagey xerada Hiil weyne oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta Caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

11/17/2023 8:42 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Waxaa sii kordhay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

11/17/2023 4:27 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miinkeey oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

11/17/2023 2:39 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay deegaanka Kheyletsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town.

11/17/2023 1:24 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys.