12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay deegaanka Kheyletsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Xasan Maxamuud, kaasoo u geeriyooday rasaas burcada kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas, kuwaas oo goobta ka samewyay baaritaano aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Bishaan Novembar gudaheeda ayaa waxaa la xaqiijiyay in dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ku dhawaad 15 Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay.

Majirto cid wax ka qabaneysa dilalka joogta ah ee lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhex ganacsada, iyadoo marar badab dowladda Koonfur Afrika sheegtay iney wax ka qabaneyso, hayeshee ma suurtagalin iney qaado talaabo cad oo looga hortagayp dilalka lagu haayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Dhamaadka sanad walba waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilaa muwaadinin Soomaaliyeed oo u tira badan, taasoo lala xariiriyo in burcada dalkaas ay doonayaan dhaqaale ay ku damaashadaan maalmaha Kirismiska oo kusoo food leh.












Click here
11/17/2023 11:07 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku tagey xerada Hiil weyne oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta Caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

11/17/2023 8:42 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Waxaa sii kordhay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

11/17/2023 4:55 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ku dilay xaaskiisa hotel magaaladaas ku yaala.

11/17/2023 4:27 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miinkeey oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

11/17/2023 1:24 AM EST
Jimco, November, 17, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys.