4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay rabshadihii Isniintii ka dhacay Borama

Talaado, May, 9, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa tilmaantay in dad aan ahayn qoyska askarigii la dilay ay soo abaabuleen rabshadihii ka dhacay Borama, isla markaana maxkamad lala tiigsan doono.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in qoyska askariga dhintay anay shaqo ku lahayn qalalaasaha, lakiin dad ujeedo kale lihi ay ka danbeeyeen.

"Naxli iska huursana oo dad gaar ahi ay wadeen ayaa kaasoo dhigtay dariiq iyo sabab geerida marxuum kaas, marxuumka eheladiisii qabiilkiisii, qoyskii uu ka tirsana in anay jirin wax dhib ah oo ay arrintaa ku leeyihiin" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadka mudaharaadka hormoodka u ahaa anay badan koodu reer Borama ahayn, isla markaana dad badan oo la qabtay intii rabshaduhu socdeen ay ahaayeen dad meelo kale ka yimid, maxkamadna la gayn doono.

Wasiirku waxa uu sheegay in gacan ku dhiiglaha dil lagu xukumay isla markaana fulinta dilkaasi uu usoo dhamaan doono si wanaagsan oo qoyska dhibanaha iyo xukuumaduba isku waafaqsanyihiin.

Qoyska askariga la dilay ayaa iyaguna dhankooda sheegay in anay wax gacan ah ku lahayn rabshadaha ka dhacay magaalada, iyaga oo cambaareeyay kuna tilmaamay rabshado la doonayo in waxyaabo kale looga faa'iidaysto.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka hadlay dad hadaladoodu baraha bulshada ku baaheen iyaga oo leh, waa in dilal qorshaysan laga fulayaa Borama, si loo kuciyo shacabka, kadibna dilalka loogu eedeeyo xukuumada Somaliland.

"Dadka magacoodiina la hayo, sawirkoodiina la hayo  ee leh qurbaha ayaad joogtaan oo laydinma soo raad raaci karo, ee leh hala dilo Saleebaan Axmed Guuleed, ma qofka hala dilo leh ayaa deegaanka waxtaray mise Saleebaan" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Sida uu xusay taliyaha booliiska ee gobolka Awdal 7 qof oo shacab ah iyo 60 askari ayay dhaawacyo kasoo gaadheen rabshadihii Isniintii, waxaana xabsiga la dhigay in ka badan 70 dhallinyaro ah.