4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2023
Puntland oo jawaab ka bixisay eedayntii raysal wasaare Xamse usoo jeediyay madaxweyne Deni

Talaado, May, 9, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay eedayntii ay soo jeedisay Dowladda federalka Soomaaliya, taasoo ahayd inay Puntland fashilinayso dadaalada daynta Soomaaliya.

Wasiirka qorshaynta Puntland, Maxamed Siciid Faroole, oo Garowe kula hadlayay kumanaan shacab ah, ayaa sheegay Puntland in aysan jirin wax mashaariic ah oo kasoo gaaray deymihii balaayiinta ahaa ee magaca Soomaaliyeed lagusoo qaaday ee la siiyay Dowladda federalka.

Wasiirka wuxuu sheegay deymahaas in lagu fuliyay mashaariic aan soo dhaafin Muqdisho iyo Hargeysa, sidoo kale wuxuu sheegay, in qaar kale oo dayntaas kamid ah ay masuq maasuqday Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta.

“Dayn nala kuma leh annagu. Lacagta daynta ah ee Soomaaliya magacyadeeda ay dowladihii hore ku qaateen, waxay ahayd lacag mashaariic lagu fuliyay. Mashaariicdaas haddaanu nahay reer Puntland hal mashruuc nagama soo gaarin. Puntland labo mashruuc ayaa laga fuliyay, waana madaarada Bosaso iyo  Garowe, waxayna deeq ay bixisay Talyaaniga, ayuu yiri  Siciid Faroole.

Siciid Faroole wuxuu sheegay dowlada federalka inay doonayso labo bilyan oo dayn ah oo la musuq maasuqo oo lagu burburiyo dalka.

Wuxuu sheegay Puntland in aysan yeelidoonin dayn aysan waxba ka ogayn, islamarkaana aan lagala tashanin in laga cafiyo Soomaaliya.

Hadalka Puntland ayaa yimid xilli Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu xalay ku eedeeyay madaxweynaha Puntland inuu cuuryaaminayo dayn cafinta dalka.