4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2023
Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan oo xirtay kantaroolka bari ee magaalada Garowe
 

Talaado, May, 9, 2023 (HOL) - Ciidamo katirsan booliiska Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xirtay kantaroolka bari ee magaalada Garowe.

Ciidamadan ayaa joojiyay isku socodka gaadiidka ku safra waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Bosaso.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, ayaa waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, sida aan kasoo xiganay sarkaal katirsan ciidamada gadoodka sameeyay.

Gadoodkan ciidan ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu u joogo ololaha siyaasadeed ee ururkiisa Kaah, isagoo maanta ka qeyb galaya iskusoo bax la  ururkiisa Kaah taageero loogu raadinayo.

Si kastaba ha ahaatee, muddo dhowr bilood ah wax mushahaar ma qaadan shaqaalaha maamulka Puntland iyo ciidamada amniga, arrintaas oo hadda kusoo beegantay xilli madaxweyne Deni uu ku jiro olole siyaasadeed oo doorasho.

Todobaadkii hore, ciidamo ayaa sidoo kale xirtay kantaroolka magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa inay illaa iyo haatan gacanta ku hayaan halkaas, xilli madaxweyne Deni uu ku sugan yahay Gaalkacyo.