4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 9 , 2023
Garaad Jaamac: Inta ciidanka Somaliland na dul joogo wax wadahadal ahi ma jiro

Talaado, May, 9, 2023 (HOL) - Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in anay wadahadal la galayn Somaliland inta ciidanka Somaliland joogo dhulka SSC.

Garaadka oo ka jawaabayay hadal uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ku sheegay in garaadadu ay wadahadalka diideen, ayaa sheegay in Somaliland iyadu soo duushay.

"Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay, ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabadgalyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadha wadahadal kii ayuu diiday" ayuu yidhi Garaad Cali.

Waxa uu sheegay in anay is dhiibi doonin, isaga oo sheegay in shacabkiisu doorteed in ay dhintaan halkii ay gunimo kaga noolaan lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu markale sheegay in wadahadalku ku iman karo oo kali ah hadii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga suganyihiin gobolka Sool, "Markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, lakiin inta ciidan na dul joogo wax wadahadal ah oo noo dhaxaynaya ma jiro".

Waxa uu sheegay in xabad joojinta kali ah ee ay ogolyihiin ay tahay mid ciidamada Somaliland ku guurayaan wakhti kooban, lakiin anay ogolayn wax xabad joojin ah oo kale.

Udanbayn, waxa uu tilmaamay in aanu jirin xad ay sexeexeen aabihii iyo awawgii toona oo Somaliland leedahay, sida uu sheegay madaxweyne Biixi.