4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la fashiliyay weerar Alshabaab u maleegayeen beerta nabadda


Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka ee NISA ayaa la sheegay inay fashiliyeen shabakad ka tirsanayd Alshabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay inay ciidamadu gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay sida dowladdu sheegtay, shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA waxay sheegtay inay la socotay dhaqdhaaqa Alshabaab ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka uu fashiliyo weerarka ay Alshabaab ay damacsanaayeen.