4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Hooyooyin sumeeya caruurtooda si ay uga badbaadaan macluusha Soomaaliya
 

Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Hal milyan oo qof oo Soomaaliyeed ayaa waxay la dagaallamayaan wax kasta oo suurtagal ah si ay uga gudbaan macluusha sii kordhaysa. Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa taga xerooyinka barakaca ah ee camiran iyo meelaha sharci darada ah ee ku yaala caasimadda Muqdisho.

Dadkaas waxaa ka mid ah Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo ay u soo qaxeen 600 oo qoys oo isku dayay inay ka baxsadaan abaaraha iyo dagaallada sokeeye ee Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa si bareer ah xanuun ugu rida carruurtooda si ay u geeyaan xarumaha caafimaadka ee dowladda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay suuragal tahay in ay ka helaan cunto bilaash ah.

"Carruurteyda waan sumeeyaa si ay u noolaadaan," Maceey Shute oo ah haweeney barakac ah ayaa sheegtay sidaas. “Waxaan leeyahay lix carruur ah, waana sida kaliya ee aan cunto ku heli karo.

Haweenaydan ayaa carruurteeda bukoota geysa cisbitaalka gobolka Banaadir, iyadoo rajeynaysa inay hesho buskud iyo boorash nafaqo leh, ka dibna inta soo hartay way kaydsataa si ay ugu quudiso qoyskeeda ama u iibiso.

Habka kale ee ay dadkani u nool yihiin ayaa ah inay carruurtooda yaryar ku tuugsadaan. Aamino Iikar Hilowle waa hooyo haysata siddeed carruur ah oo ka soo qaxday beer ay ku lahayd tuulada Buulo-mareer, ee gobolka Shabeellaha Hoose (Koonfurta dalka). Markii ugu horeysay ee ay timid Muqdisho, waxa ay lacag ka heli jirtay nadiifinta guryaha iyo dhar dhaqida ah, balse waxay ogaatay in tuugsiga uu ka faa’iido badan yahay shaqadeeda.

Waxay ku wareegtaa waddooyinka Muqdisho iyadoo ilmo 18 bilood jir ah dhabarka ku saaran yahay, iyadoo lacag ka tuugsanaysa xarumaha ganacsiga, hoteellada, maqaayadaha iyo bangiyada.  

"Marka aan ilmahan dhabarka ku dawarsanayo, dadku way ii naxaan. "Marka aan qaato, waxaan ku helaa qiyaastii $12 maalintii celcelis ahaan."ayay tidhi Maceey Shute.

Kiraynta carruurta.

Waa dhaqan caadi ka ah Tabeellaha Sheekh Ibraahim. Shumey Abuukar oo isaga iyo afar caruur ah oo uu dhalay ka yimid degmada Qoryooley (Shabeelaha Hoose) ayaa labo ka mid ah carruurtiisa ka kireeyay haween iska dhigaysay hooyooyinkood. Waxay sharraxday in iyada iyo ninkeeda midkoodna uusan shaqo haysan. Oo iyadu ma raadsan karto shaqo sababtoo ah waxaa ku dhacay dhiigbax aad u daran markii ay umushay, mararka qaarkoodna aad bay u daciif tahay.

Abuukar waxa uu sheegay in maalintii uu caruurtiisa ku kireeyo lacag dhan 5 Dollar, isla markaana aanu aad uga werwerin ammaankooda, sababtoo ah waxa uu garanayaa oo uu ku kalsoon yahay gabadha kaxaysa. “Mararka qaar waxaan dareemaa dambi. Laakiin ma haysto wax doorasho ah sababtoo ah waa inaan quudiyaa iyaga, mana haysto wax shahaadooyin ah oo iga caawiya inaan shaqo helo," ayuu yidhi.

Qaabka kale ee qoysaska quusta ahi ay ku helaan lacag ay cunto ku iibsadaan waa in ay gabdhahooda da'da yar u guuriyaan rag waaweyn. Gabadha Shute oo 15 jir ah, Maryan, ayaa lagu qasbay inay guursato ninka maamula xerada wax yar ka dib markii qoyskeeda oo ka kooban 11 ay u guureen halkaas. “Aabahay waxa uu ii sheegay in aan guursado odaygan, "Wuxuu ii sheegay inay nolosha u wanaajin doonto qoyskayaga sababtoo ah waxaan ku joogi karnaa xerada bilaash, oo aan heli karno gargaar dheeraad ah."

Maryan ayaa sheegtay in markii hore ay diiday in ay guursato, balse ugu dambeyntii ay is dhiibtay sababtoo ah waxay aad uga walaacsaneyd xaaladda dhaqaale xumo ee qoyskeeda. "Waxaan isqabay muddo laba bilood ah, laakiin nolosheennu wax yar ayay ka roonaatay," ayay tiri.