4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2023
Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Somliland iyo kuwa SSC oo ka socda galbeedka Laascaanood
 

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Iska hor imaad xooggan ayaa caawa jihada galbeed ee magaalada Laascaanood ku dhexmaraya ciidamada somaliland iyo kuwa SSC.

Wararku waxay sheegayaan in iska hor imaadku ka dambeeyay markii sida saraakiil katirsan SSC ay sheegeen in ciidamada Somaliland ay weerar kasoo qaadeen farriisimo ciidanka SSC.

Waxaa iska hor imaadka la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, lamana oga khasaaraha illaa iyo hadda ka dhashay maadaama ay habeen yahay, welina iska hor imaadku uu dhacayo.

Saraakiil katirsan SSC ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ciidamada Somaliland kasoo qaadeen dhinaca galbeed, halkaas oo uu kuyaalo saldhigga Goojacadde.

Dhinaca Somalland, weli wax war ah kamasoo saarin weerarkan lagu eedeynayo inay ciidamadooda ka dambeeyaan.

Iska hor imaadkan ayaa kusoo beegmay xilli maalmihii ugu dambeeyay ay daganayd xaaladda magaalada laascaanood, marka laga reebo madaafiic dhinacyadu isku adeegsanayeen.