4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2023
Somaliland oo bilaabaysa qodista ceelkii shidaalka ee ugu horeeyay

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah maanta u sheegtay in ay gobolka Togdheer ka bilaabayaso qodista ceelkii shidaalka ee ugu horeeyay.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi, oo ka hadlay xaflad lagu daahfurayay qodista ceelka shidaalka oo ay fulinayso shirkada Genel Energy, ayaa sheegay in ay tani tahay talaabadii ugu danbaysay ee sahaminta shidaalka.

"Waxaanu sheegayna in talaabadii ugu danbaysay oo ah qodista shidaalku ay bilaabantay, ceelka waxa  la yidhaahdaa Toosan 1, waxa uu ku yaalaa gotaan wayn oo uu batroolku galo oo la yidhaa Xood oo gobolka Togdheer ah" ayuu yidhi Wasiir Faarax.

Waxa uu sheegay in aan hada la hubin in uu baatrool kasoo bixi doono, lakiin ay tahay talaabadii ugu danbaysay baadhista shidaalka, laguna rajo wayn yahay in laga gun gaadho, oo baatrool kasoo baxo.

Waxa uu sheegay in ceelkani uu bilow u noqon doono qodista ilaa 16 goobood oo shidaal lagu tuhmayo, isla markaana Toosan 1 uu yahay ceelka shidaal ee ugu wayn ee la ogaaday sahimin mudo socotay kadib.

Waxa kale oo uu inta ku daray in xaflado waa wayn oo wacyigalin ah, oo bulshada loogu sharaxayo shidaalka iyo sida looga howlgalayo la qaban doono, iyadoo ta ugu wayna lagu qaban doono Burco.

Dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii kasoo qaybgashay ayaa soo dhaweeyay talaabadan lagu bilaabayo qodista ceelkii ugu horeeyay oo shidaal ah.