4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2023
Dowladda Soomaaliya soo dhaweysay wada-hadallada u bilowday dhinacyada isku haya Suudaan

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay wada-hadallada nabadeed ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan, wada hadalladaas oo uu martigelinayo Sacuudiga, waxayna ku baaqday in la dhaqan galiyo xabbad joojinta.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu xusay in dowladdu ay bogaadisay qabsoomidda wadahadallada oo ay si wadajir ah u fududeeyeen Mareykanka iyo Sacuudiga.

"Waxaan ku ammaaneynaa Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka fududeynta wadahadalladan, waxaanan si buuxda u taageernay bayaankooda wadajirka ah ee ku boorrinaya labada dhinac inay tixgeliyaan danaha qaranka Suudaan ayna galaan wadahadallo ku aaddan xabbad-joojin," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya oo xustay in dagaalladu ay yihiin kuwo si fudud ku billowda balse ay adag tahay in la dhammeeyo, ayaa waxay ku boorrisay labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso inay ku heshiiyaan in si dhaqso ah loo joojiyo dagaalka.

“Sidaa darteed, waxaanu ku boorinaynaa dhinacyada Sudan inay si degdeg ah u joojiyaan adeegsiga hubka oo ay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed. Tani waa xalka ugu fiican uguna dhakhsaha badan si loo hubiyo in xaaladda Suudaan aysan sii xumaanin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay mar kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka, isagoo ka hadlayay kulan uu la qaatay ergayga Suudaan, Amb. Dafallah Alhaj Ali, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku nuuxnuuxsaday taageerada Soomaaliya ay siinayso dadka reer Suudaan.