4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2023
Askari kasoo shaqeeyay howlgalka AMISOM oo dilay wasiir katirsan Dowladda Uganda
 

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Pte Wilson Sabiti oo ah askari katirsan ciidamada Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiiru dowlihii wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo xiriirka warshadaha ee Uganda, Charles Okello Engola.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa qoraysa in Pte Wilson uu Soomaaliya ka soo shaqeeyay muddo sanad dhan ah, sida ay kasoo xigteen saraakiil katirsan ciidamada difaaca Uganda (UPDF).

Toogashadan ayaa ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaala deegaanka Kyanja, ee duleedka magaalada Kampala, waxaana looga shakisan yahay in ay la xiriirto xaalad maskaxeed.

Kaaliyaha wasiirka, Ronald Otim, ayaa isna ku dhaawacmay toogashada. askariga ayaa markii dambe isna isku toogtay meel ku dhowayd goobta uu falku ka dhacay, sida ay booliisku sheegeen.

Col Deo Akiiki, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in Sabiiti oo ka soo jeeda tuulada Mubali ee degmada Kabarole la geeyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021 isagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Kumeel gaarka ah.

Sabiti waxa uu haystay darajada ugu hoosaysa ee ciidanka milatariga, balse waxaa doortay madaxdiisa si uu u qaato koorsada saraakiisha dhexe ee shaqaalaha militariga.

Markii uu koorsada dhameystay bishii February ee sanadkan, waxa uu ku laabtay Guutada Ilaalada ee degaanla Bombo, ka hor inta aan la geynin Kyanja si uu u ilaaliyo wasiirkii geeriyooday bishii hore. Akiiki waxa uu qiray baahida loo qabo baaritaanno caafimaad oo maskaxeed oo badan oo askarta ah si looga fogaado dhacdooyinka la midka ah mustaqbalka.

"Waxaan leenahay waax hoos timaada Maamulka Sare ee Adeegyada Caafimaadka, taas oo bixisa la-talin iyo hagitaan. Laakiin haa waa inaan dadaal dheeri ah gelinaa si aan u hubinno caafimaadka askarteenna kasoo laabta meelaha dagaaladu ka socdaan, si aan uga fogaanno falalkaas laga shallayn karo,” ayuu yidhi.

Meydka Sabiti ayaa hadda yaala halka Bombo, walina lama shaacin qabanqaabada aaskiisa.