4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo ka fikiraya in la cafiyo Cabdi Cumar Axmed Iley

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu soo waramayaa in qiimaynayo sii deynta Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley),  oo ahaa Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Iley ayaa xabsiga ku jiray afartii sano ee ugu dambeysay. Hadda waxaa laga sugayaa dacwad ka dhan ah maxkamadda sare ee federaalka Itoobiya, waxaana loo heystaa in uu geystay dhimashada tobanaan qof oo rayid ah, intii uu xukunka hayay. Waxaa laga yaabaa in eedeymaha lagu soo oogay la laalo, taasoo u banmaynaysa dariiqa lagu sii dayn karo.

Horay ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy uga codsaday in cafis loo fidiyo.

Sii daynta Iley ayaa ku soo beegantay iyadoo dabayaaqadii bishii April ee sanadkan uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha Jubaland. Sida ay wararku sheegayaan, labadoodu waxay gaareen heshiis mabda’ ahaan. Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Iley inuu isku dayay inuu hoggaamiyo jabhad hubeysan oo ka dhan ah dowladda dhexe bishii Abriil 2018, taasoo keentay inuu xilka iska casilo kaddibna xabsiga la dhigo.

Intii uu xukunka hayay Iley waxaa uu waxuu ku maamuli jiray gacan bir ah, isaga oo inta badan ka faa’iidaysan jiray ciidamada Liyuu Booliska, oo ah ciidan ka tirsan ciidanka xoogga dalka Itoobiya oo la aas aasay 2008-dii iyaga oo hoggaaminayay nabad-galyada deegaanka.

Ciidankan ayaa eedaymo badan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka gobolka kala kulmay ururada sida Human Rights Watch.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee hadda talada haya Mustafa Maxamed Cumar ayaa ah nin ay isku dhow yihiin Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, balse muddo dheer ayay isku hayeen arrinta Cabdi Iley.